| |

DOLWADDA PUNTLAND
THE GOVERNMENT OF PUNTLAND
Garoowe (Puntlandgov News)-Digreeto Madaxweyne oo kasoo baxday Xafiis Madaxweynaha lambarkeedu yahay 19 oo ku taariikhaysan 01-03-09 oo goordhaweyd oo caawa ah kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland ee soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sh,Maxamed Maxamuud ayaa isku shaandheyn lagu sameeyay golaha xukuumada ee Dawlada Puntland.
Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa Qaarkamid ah Wasiiradiisii xilka ka qaaday,wuxuuna ku badalay Wasiiro kale.
Hadaba Digreetada Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ee uu Wasiirada ku badalay ayaa waxa ay Wasiiradiisu kala ahaayeen sidan:-
1-Yuusuf Axmad Kheyr Wasiirka Amniga 2-Cali Yuusuf Cali Xoosh Wasiir ku Xigeeenka Wasaarada Amniga 3-Dr,Daaud Maxamad Cumar Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga 4-Prof C/qadir Cabdi Xaashi Wasiiru Dowlaha Wasarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga 5-C/risaaq Yuusuf Cilmi Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga. 6-Saciid Maxamad Raage Wasiirka Wasaarada Dekadaha & Gaadiidka Bada 9-Dr Cali C/lahi Warsame Wasiirka Caafimaadka 10-C/khaliif Xaaji Xasan Aw Axmad Wasiirka Wasaarada Cadaalada & Dhaqan Celinta 11-Cabdi Yaasiin Xirsi Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Arimaha Gudaha 12-C/risaaq Maxamad Ismaaciil Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Arimaha Gudaha 13-C/shakuur Mire Aadan Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud & Gaadiidka. 14-C/qadir Muuse Yuusuf Wasiir ku Xigeenka 1aad Wasaarada Kaluumeysiga 15-Maxamad C/laahi Saalax Wasiir ku Xigeenka 2aad Wasaarada Kaluumeysiga 16-Saynab Ugaas Yaasin Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Haweynka & Arimaha Qoyska 17-Cali Axmad Gamuuje Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada 18-C/Qani Salaad Yuusuf Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Hidha & Dhaqanka 19-Maxamuud Maxamad Sh Ibraahim Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Beeraha & Waraabka.
Sidoo kale waxaa Digreetada Madaxweynuhu lagu sheegey cida xilalkoodii wayday oo kala ahaa Wasiiradan:- 1- Cabdulaahi Saciid Samatar. 2-C/risaaq Yaasiin abdule Geesood 3-C/laahi Cali Xirsi 4-Faarax Aadan Dhalac 5-C/risaaq Xuseen Gaceyte 6-C/xakiin Faarax Cali 7-Dr Bashiir Cali Biixi 8-Xaliimo Maxamud Maxamad.
Iskushaandheyntan ayaa ahayd mid maalmihii lasoo dhaafay laga hadal hayey Guud ahaanba Deegaanada Puntland waxaana la filayaa in ay Waxbadan soo kordhiyaan Mas'uuliyiintan uu magacaabay Madaxweynuhu.
LIISKA WASIIRADII HORE
|